Waa maxay Qalabka Qiimeynta ee Waalidka Digtoon (Parent Aware Rating Tool) ee Minnesota?

Qiimeynta xiddigaha ah ee Parent Aware waxay gargaar kaa siinaysaa inaad heshid noocyo barnaamijo oo tayo iyo faa’iido leh oo ilmahaaga yar, socod-baradka iyo ilmaha aan gaadhin da’da dugsiga ka gargaari doona inay diyaar u noqdaan dugsiga iyo nolosha.

Waayaha goor ahi waxa uu jira nolosha qofka oo dhan. Sababta oo ah maskaxda ilmaha oo inteeda badan dhisanto marka ay gaadhaan da’da 5 shir, waxa farqi weyn keena tayada daryeel ee ilmuhu helo laga bilaabo marka ay nuunuuga yihiin ilaa wakhtiga ka horeysa dugsiga. Deegan waxbarasho oo tayo leh oo la siiyo xiitaa ilmaha si weyn u yar waxay farqi weyn u keentaa sidii loogu diyaarin lahaa dugsiga iyo nolosha.

Qiimeynta Parent Aware ayaa imminka loo heli karaa bixiyeyaasha daryeelka sii-haynta ilmaha/waxbarashada hore ee: St. Paul, aagga North Minneapolis, dugsi-degmeedka Wayzata iyo degmooyinka Blue Earth iyo Nicolett.