War Loogu Talogalay Adeeg-bixiyeyaasha/Bareyaasha

Parent Aware waxa uu fiicneeyaa, taageeraa oo u dabaaldegaa awoodaha daryeelka sii-haynta ilmaha iyo barnaamijyada waxbarashada hore.

Nagu soo biir oo ka qaygal kulan war si aad u kordhisid aqoontaada!

Waalidku waxay weydiisanayaan qiimeyn xiddigo leh oo ka gargaarta inay gartaan bixiyeyaasha daryeel sii-hayn ilmo/waxbarasho hore ee fahmaya hab-dhaqannada ama tabaha ugu dambeeyay ee ugu fiican waxbarashada hore. Dhab ahaan, boqolkiiba 96 reer Minnesota waxay taageerayaan qiimeynta xiddigaha leh. Parent Aware waxay halkan u joogta inay kaa gargaarto sidii aad u jawaabi lahayd. Bixiyeyaasha daryeel sii-hayn ilmo/bareyaasha hore waxay yidhaadeen barnaamijku waa mid shaqeynaya! Dhamaan ka-qaybgaleyaasha, boqolkiiba 92 ayaa yidhi Parent Aware waxay fiicnaysay tayadooda.

Qiimeynta xiddigaha leh waxa lagu sii fidinayaa dhamaan gobolka saddexda sannadood ee soo socda. Waxa *hadda laga heli karaa: Becker, Blue Earth, Clearwater, Hennepin, Itasca, Mahnomen, degmooyinka Nicollet iyo Ramsey iyo White Earth Reservation.

Parent Aware oo laga soo daayay telefishanka Twin Cities Public Television: Sheekooyin Ka-qaybgalid*

Fiicnee

La shaqee hay’addaada Child Care Resource and Referral (CCR&R) (Ilaha iyo Gudbinta Sii-haynta Ilmaha) si aad diyaar ugu noqotid qiimeynta tayada ee Parent Aware. Barnaamijyada u qalma waxay heli doonaan tababarka Dhisidda Tayo: Sida Waxa Fiican Loo Sii Fiicneeyo, lacag taageero oo ah hagaajinta, la-talin xirfadle oo ah horumarinta iyo tababar. Dhamaan bixiyeyaasha adeeg sii-hayn ilmo/bareyaasha waxa lagu martiqaadayaa inay ka soo galaan adeegyada CCR&R ee taageera hagaajinta tayada.

Taageero

Marka aad diyaar tahay, bilaab habka qiimeynta ee Parent Aware, noqo adeeg-bixiye/bare leh xiddigo oo xisaabi horumarka aad ka gaadhid xagga:

  • Caafimaadka iyo Wacnaanta Jidhka
  • Barista iyo Xidhiidhyada
  • Qiimeynta Horumarka Ilmaha
  • Tababarka iyo Waxbarashada Macallinka

Dabaaldag oo Sii Wad Inaad Wax Baratid

Kordhi farsamooyinkaaga iyo tayadaada: Taageerada hagaajinta waxa ku jira lacag deeq ah, tababar iyo la-talin. Muuji tayadaada:

  • Qiimeyntaada xiddigaha leh la wadaag waalidka adiga oo maraya barta internetka ee Parent Aware iyo adeegyada waalidka ee CCR&R.
  • Qalabkaaga suuq-geyntu waxa uu waalidka beeshaada u oggolaanayaa inay ogaadaan inaad ku jirtid barnaamij qiimeyn leh.