War ku Saabsan Qiimeynta Xiddigaha ah ee Parent Aware

Iskaashiga Qoyska. Adeeg-bixiyuhu waxa waalidka ka qaybgaliyaa habka waxbarashada waana uu ixtiraamaa.

La-socodka Waxbarashada. Adeeg-bixiyuhu waxa uu la socdaa horumarka dugsi u-diyaarsanaanta ilmo kasta waxana uu si joogto ah macluumaadka ula wadaagaa waalidka.

Alaabta Waxbaridda. Adeeg-bixiyuhu waxa uu isticmaalaa alaab waxbarid oo waxtar leh oo la xaqiijiyay inay ilmaha u diyaarin karto dugsiga.

Tababar Macallin. Macallimiinta waxa la siiyaa tababar ku saabsan sida ugu fiican ee ilmaha loogu diyaariyo dugsiga.

Qiimeynta Parent Aware waxa soo saara Wasaaradda Adeegyada Bini’aadanka ee Minnesota (Minnesota Department of Human Services) iyo Wasaaradda Waxbarashada ee Minnesota (Minnesota Department of Education), iyada oo taageero laga helo Hay’adda Waxbarashada Goor Hore ee Minnesota (Minnesota Early Learning Foundation), Xarunta Waxbarashada Hore iyo Horumarinta (Center for Early Education and Development) ee Jaamacadda Minnesota (University of Minnesota) iyo Shabakadda Adeegyada iyo Gudbinta Sii-haynta Ilmaha ee Minnesota (Minnesota Child Care Resource & Referral Network).
Qiimeynta Parent Aware waxa imminka loo heli karaa bixiyeyaasha daryeelka sii-haynta ilmaha/waxbarashada hore ee: St. Paul, aagga North Minneapolis, dugsi-degmeedka
Wayzata school district iyo degmooyinka Blue Earth iyo Nicolett.