Aagga tijaabada ah ee Waqooyiga Mpls

• 500 under 5 waa barnaamij loo qorsheeyay in ilmaha da’doodu tahay 0-5 ee laba xaafadood oo ah waqooyiga Minneapolis (eeg maabka lifaaqa ah) laga gargaaro inay galaan dugsiga barbaradka (kindergarten) iyaga oo diyaar u ah inay wax bartaan. La-taliyeyaasha Taageerada Qoyska ee 500 under 5 ayaa qoysaska la kulmi doona, wax ka ogaan doonaa baahiyahooda ka dibna waxay qoysaska ka gargaari doonaan inay la xidhiidhaan war iyo adeegyo sida waxbarasho ah waalid ahaanshaha, fursado lagula kulmo waalid kale, gargaar ku saabsan doorashada adeeg sii-hayn ilmo iyo gargaar dhaqaale oo loo helo sii-haynta ilmaha. Si aad u heshid war dheeraad ah oo ku saabsan barnaamijka 500 under 5, la xidhiidh Way to Grow, 612-874-4740 ×115.