Aagga Tijaabada ee St Paul

Adeegyo Waalidka Loogu Talogalay oo ka Jira St. Paul:
BARNAAMIJKA DEEQDA WAXBARASHO EE CARUURNIMADA HORE EE SAINT PAUL (SAINT PAUL EARLY CHILDHOOD SCHOLARSHIP PROGRAM)
Barnaamijka Deeqda Waxbarasho ee Caruurnimada Hore ee Saint Paul (Saint Paul Early Childhood Scholarship Program) waxa uu qoysaska siiyaa war ah deeq waxbarasho si looga gargaaro inay doortaan, iska bixiyaan oo ay ku jiraan deegaan waxbarasho ah caruurnimada hore oo tayo sare leh. Waxa codsan kara qoysaska dakhligoodu hooseeyo ee ku nool Frogtown ama xaafadaha Waqooyiga (eeg maabka) ee leh ilmo noqon doona 3 jir 1-da Bisha Sagaalaad ee sannadka lagu jiro.
BAADH barnaamijyo oggalaanaya gunooyin iyo deeq waxbarasho.