Barnaamijka Caring for Kids Initiative waxa uu qoysaska u suurogaliyaa helitaanka sii-hayn ilmo oo tayo leh, waxbarasho iyo taageero, si ilmaha loogu duwo wadada guul ay ka gaadhaan dugsiga. Qoysaska degan aagga Dugsi-degmeedka Wayzata ee leh dakhli ka yar boqolkiiba 185 Tilmaanta Fakhriga ee Federalka (Federal Poverty Guideline) waxa u banaanaan kara deeq waxbarasho oo ah CfKI. Deeqda waxbarasho, oo loogu talogalay ilmaha jira 3 – 5 sannadood, waxa lagu helaa horumin ilmo oo tayo leh iyo taageero ah waalid ahaanshaha.
La xidhiidh: Nancy Johnson (952) 472-2436